DHAGEYSO:Somaliland oo ka hadashay dilka Cabdinaasir Muuse oo ka tirsanaa shaqaalaha hawada ee Soomaaliya

0
396

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku tuhunsan yihiin dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya, kaas oo xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa magaaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay maalmihii la soo dhaafay u soo hanjabeen, shaqaalaha duullimaadka rayidka ka shaqeeya ee ku sugan magaalada Hargeysa, sabab la xiriira arrimaha hawada.

Aabaha marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka codsanayo dowladda Soomaaliya in meydka aan laga siyaasadeyn oo loo keeno, si u aasto.