DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Xeebta oo taageeray mamnuucidda qaadka Mogokaa

0
579

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Xeebta ee dalka ayaa taageeray go’aanka ismaamullada Mombasa , Kilifi iyo Taita Taveta looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxay sheegeen in aan marnaba lagu cadaadin karin in ay ka laabtaan mowqif ay ugu daneynayaan jiritaanka bulshadooda.
Siyaasiyiintan oo uu ka mid yahay xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Wundanyi ee ismaamulka Taita Taveta , Thomas Mwadeghu ayaa dareenkooda sidan u muujiyay.

Waxaa sidoo kale arrintan soo dhaweeyay madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi oo sheegay in iyadoo ay jiraan dano ganacsi haddana in aan caafimaadka bulshada wax kale laga horumarin karin.
Waxaa uu xusay in dowladaha ismaamullada ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay soo saaraan xeerar lagu xakameynaya waxyaabaha iyaga hoos tago iyo in ay canshuuraadka ku kordhiyaan.