DHAGEYSO:Siyaasiyiinta waqooyi bari oo la kulmay xoghayaha waaxda socdaalka

0
334

Madaxda siyaasadeed ee ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ayaa kulan la qaatay xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka ee dalka Julius Bitok.
Waxay ka wada hadleen xal u helidda caqabadaha dhinaca aqoonsiga qaran iyo baasaboorka ee ay la kulmaan shacabka ka soo jeedo deegaannada xoolo dhaqatada.
Xoghayaha ayaa sheegay in iyadoo la dhaqangelinaya amarkii madaxweyne William Ruto ee ahaa in dhammaan kenyaanka si siman loola macaamilo marka la bixinaya adeegyada dowladda, inay ka shaqeyn doonaan sidii dadweynaha waqooyi bari ay aqoonsiga qaran ugu heli lahaayeen saddex toddobaad gudahooda.
Waxaa uu Bitok hoosta ka xarriiqay in kulanka dhacay uu qayb ka yahay geeddisocodka meesha looga saaraya turxaan bixinta la mariyo shacabka marka ay codsadaan aqoonsiga qaran iyo baasaboorka.
Xildhibaanka laga soo doortay Waqooyiga ismaamulka Mandera sidoo kalena ah guddoomiyaha xildhibaannada xoolo dhaqatada ee (PPG) Major Bashiir Cabdullahi iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Aamina Siyaad Kuno ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la yeesheen xoghayaha.