DHAGEYSO:Siyaasiyiinta oo lagu boorriyay inay ku dhaqmaan casharrada wanaagsan ee laga bartay Kibaki

0
430

Iyadoo maalinkii labaad ee dadweynaha kenyaanka ah fursad u haystaan inay daawadaan meydka madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya siyaasiyiinta.
Qaar ka mid ah shacabka oo aroornimadii hore ee maanta tagay xarunta baarlamaanka ayaa musharraxiinta madaxweynenimo ka codsaday in hadii mid ka mid ah uu ku guulaysto doorashada guud uu wadanka ku hoggaamiyo hab-maamulkii Kibaki.
Waxay sheegeen in madaxweynihii saddexaade ee dalka uu caan ku ahaa dulqaad ,ixtiraam, ka shaqeynta nabadda, xoojinta midnimada shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka.