DHAGEYSO:Siyaasiyiinta mucaaradka oo loogu baaqay in aynan dib u billaabin dibadbaxyada

0
257

Baadariga kaniisadda Katholiga ee ismaamulka Kakamega, Joseph Obanyi ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay in aynan sameyn dibadbaxyo ka dhan ah dowladda dhexe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilligan ay kenyaanka wajahayaan xaalado adag oo nololeed sidaasi awgeedna la doonayo in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka jira.
Mr. Obanyi ayaa xusay inuunan aaminsanayn in mudaaharaad la sameeyay ay xal keeni karta.

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxa garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga shaaciyay in ay dib u billaabi doonaan mudaaharaadyo haddii dowladdu aynan ka laaban adeegsiga xeerka maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Waxyaabaha uu xeerkan soo kordhiyay waxaa ka mid ah in canshuurta shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 laga dhigay boqolkiiba 16.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in canshuurta dheeraadka ah ee la soo rogay ay shacabka u horseeday sicir barar nololeed .
Waxaa uu maamulka madaxweyne William Ruto ka dalbaday inuu yareeyo canshuuraha si hoos loogu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.