DHAGEYSO:Siyaasiyiinta mucaaradka oo dhaliilay amar lagu hakiyay dhaqangelinta warbixintii NADCO

0
196

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dhaliilay go’aankii ay maxkamadda sare ku hakisay dhaqangelinta warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee NADCO.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa maamulka talada haya ee Kenya Kwanza ku eedeyay inuu arrintan ka dambeeya in kastoo aynan wax caddeymo ah soo bandhigin.

Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kiambu ay hakisay dhaqangelinta warbixintan.
Arrintan ayaa hakad ku jiri doonta ilaa iyo inta ay maxkamadda ka soo gabagabeynaysa dhageysiga dacwad uu u gudbiyay mid ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Michael Muchemi.
Waxaa go’aankan maxkamadeed soo saartay garsoore Dora Chepkwony.
Shakhsiga dacwadda u gudbiyay maxkamadda ayaa ku dooday in isku day kasta oo lagu doonayo in baarlamaanka uu meel mariyo warbixintii NADCO uu wadanka u horseedi doono qalalaase dastuuri ah oo aan horay loo arag.
Warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ayaa hor taalla golaha qaran ee xeer dejinta.