DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Meru oo difaacay wasiirka beeraha ee dalka

0
354

Siyaasiyiinta ismaamulka Meru ayaa taageero u muujiyay wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi oo wajahaya eedeymo la xiriira bacriminta aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii la rabay ee laga iibiyay beeralayda.
Waxay ka difaaceen eedeymahan iyagoo madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ka codsaday in ay arrinkan soo farageliyaan.
Madaxda Meru ayaa shakhsiyaadka doonaya in xilka laga qaado wasiirka beeraha ee dalka ku tilmaamay kuwo ku haya bartilmaameedsi siyaasadeed oo aan ku saleysnayn niyad sami.

Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo guddi ka kooban 11 xubnood oo uu baarlamaanka dalka u saaray baaritaannada eedeymaha ka dhanka ah wasiirka uu maanta billaabay dhageysiga dhinacyada kala duwan ee doodda .
Xildhibaanka deegaanka Bumula Jack Wanami Wamboka ayaa xubnaha guddigan u sheegay in wasiir Linturi laga doonayo inuu qaato mas’uuliyadda bacriminta tayadeeda su’aasha la geliyay .