DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Kenya Kwanza oo loogu baaqay in ay diiradda saaraan arrimaha horumarka

0
395

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga wadanka hoggaamiya ee Kenya Kwanza ku boorriyay in ay waqti xaadirkan diiradda saaraan arrimaha horumarka.
Waxaa uu uga digay in ay xilli hore ku mashquulaan siyaasadda mustaqbalka hoggaamineed ee sanadka 2032-da.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kericho sheegay in madaxda laga doonaya in ay madaxweyne William Ruto garab ku siiyaan sidii uu u oofin lahaa ballanqaadyadii siyaasadeed.
Waxaa uu ka digay in kala qaybsanaan laga dhex abuuro maamulka talada haya.