Siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa sheegay inay doonayaan oo ay diyaar u yihiin in mar kale la billaabo wada hadalladii kala dhexeyay kooxdii matalaysay mucaaradka ee la hakiyey.
Guddigan oo uu hoggaaminaya xildhibaanka deegaanka Tharaka, George Murugara ayaa hoosta ka xarriiqay inay soo dhaweynayaan baaqyada ka yimid madaxda diimeed iyo ururrada bulshada ee ku aaddan in labada dhinac ay sii wadaan wada xaajoodyada iyadoo qaranka loo daneynaya.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ,Lydia Haika ayaa arrinkan ka hadashay.
Hasa ahaate xildhibaanka deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya , Otiende Amollo oo hoggaaminaya kooxda mucaaradka ayaa sheegay inaynan ku laaban karin miiska wada hadalka ilaa iyo inta ay oggolaansho ka helayaan hoggaamiyaasha sare ee Azimio.