Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bumula ee ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka Jack Wanami Wamboka iyo dhigiisa Matungu oo ka tirsan ismaamulka Kakamega Peter Nabulindo ayaa dhaliilay soo jeedin ka timid senatarka dowlad deegaanka Nandi Samson Cherargei.
Siyaasigan ayaa doonaya in muddo xileedka madaxweynaha dalka laga dhigo toddobo sano.
Hasa ahaate xildhibaannadan ayaa soo jeedinta senatarka ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo ay si wayn uga soo horjeedaan.
Waxay dhanka kale hoosta ka xarriiqeen inay bisha dambe gudbin doonaan mooshin ku aaddan in canshuurta shidaalka ee laga dhigay boqolkiiba 16 in lagu soo celiyo boqolkiiba 8 si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Siyaasiyiinta galbeedka dalka oo ka soo horjeestay kordhinta muddo xileedka madaxweynaha