DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Ford-Kenya oo soo dhaweeyay inay wada hadlaan mucaaradka iyo dowladda dhexe

0
298

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xulafada xisbiga Ford-Kenya ayaa soo dhaweeyay inay wada hadlaan mucaaradka iyo dowladda dhexe, iyadoo meesha laga saarayo awood qaybsi.
Waxaa ay hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ka codsadeen inuu aqbalo madaxtinimada William Ruto, islamarkaana uu kala shaqeeyo danaha qaranka.
Siyaasiyiintan ayaa rajo ka qabo in wada hadallada ay noqon doonaan mid horumarinaya dhaqaalaha dalka.