DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Azimio oo ka falceliyay hadal uu jeediyay madaxweynaha dalka

0
310

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu ka dhabeeyo hadalkii uu maanta jeediyay ee ahaa in ay da’yarta kala hadli doonaan tabashooyinka ay qabaan.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa sheegay in sida uu hoggaamiyaha dalka ku muujin karo in wada hadalka uu xusay uu daacad ka yahay ay tahay inuu meesha ka saaro hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee ay kenyaanka ka mudaaharaadayaan.
Sidoo kale siyaasiyiintan ayaa weli dalbanaya inuu is casilo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Japhet Koome oo ay ku dhaliilayaan inuu ka gaabiyay xakameynta saraakiisha amniga ee ka falcelinaya dibadbaxyada.
Kalonzo Musyoka ayaa dalbaday in la joojiyo dilalka iyo xabsi geynta da’yarta sida nabadda ah u dibadbaxaya.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wararku sheegayaan in Talaadada ay sii socon doonaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.