DHAGEYSO:Siyaasiyiin ka hadlay rajadooda ku aaddan khudbadda madaxweynaha dalka

0
403

Iyadoo uu qorshuhu yahay in laga billaabo abaare 2:30 galabnimo ee maanta uu madaxweynaha dalka William Ruto si wadajir ah khudbad ugu jeediyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ayaa waxaa rajada ay ka qabaan khudbadda madaxweynaha warbaahinta uga warramay qaar ka mid ah siyaasiyiinta.
Xildhibaanka deegaanka Bumula ee ismaamulka Bungoma Jack Wanami Wamboka ayaa sheegay inuunan madaxweyne Ruto ka rajeynayn in khudbadiisa ay noqoto mid wax ku ool ah.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku dhaliilay inuunan ka dhabeyn ballanqaad badan oo uu kenyaanka u sameeyay.
Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay mudanaha deegaan baarlamaneedka Budalangi ee ismaamulka Busia Raphael Wanjala.