DHAGEYSO:Shuban biyood saameeya carruurta oo ka dillaacay Mombasa

0
288

Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa soo saaray digniin ku aaddan cudur shuban biyood ah oo uu la socda matag daran kaas oo saameya carruurta.
Waxaa ilaa iyo hadda xanuunkan xarumaha caafimaadka ee dowlad deegaankaasi loo dhigay ilaa 3 carruur.
Naasir oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu jiro walaac laga qabo inay kordhaan xaaladaha ka dhasha cudurkan oo loo yaqaano Rotavirus.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda ismaamulka Mombasa ay billaabi doonta qorsho ay ku soo saari doonto tallaal looga hortagayo xanuunkan.
Walidiinta ayuu ugu baaqay inay carruurtooda kula dadaalaan nadaafadda.

Dhanka kale mid ka mid saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Mombasa ayaa sheegtay in xanuunka noocan uu dillaaco marka uu roob da’o taas oo sababta in mararka qaar ay isku darsamaan biyaha ceelasha iyo kuwa suuliga lagu isticmaalo.