DHAGEYSO:Shirkadaha sonkorta oo laga cafiyay 117 bilyan oo deymo ah

0
296

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in golaha wasiirrada ee dalka iyo baarlamaanka ay ansixiyeen in shirkadaha soo saaro sonkorta ee wadanka laga cafiyo deymo lagu yeeshay oo gaaraya 117 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in deymahan ay isugu jiraan canshuur dowladeed , amaah bangiyeed iyo waxyaabo kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay lacago badan ku bixiso in sonkorta laga soo dejiyo dalka dibadiisa iyadoo awood u leh inay soo saarto sonkor badan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in toddobaadyo gudahooda ah ay dowladdu shaacin doonto sida ay ku sii shaqeyn doonaan shirkadaha sonkorta soo saaro iyagoo si wanaagsan loo maamulaya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ka hor bisha 12-aad ee sanadkan ay dowladdu beeralayda qasabka siin doonto lacag dhan 865 milyan oo shilin oo uga maqan shirkadda sonkorta soo saarta ee Sony Sugar ee deegaanka Awendo oo ka tirsan ismaamulka Migori.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa digniin adag u diray shakhsiyaad uu sheegay inay beeralayda sonkorta khiyaanaan iyagoo adeegsanaya nidaamka garsoorka.
Waxaa uu tilmaamay inaynan sii jiri doonin in beeraleey qasab soo saaray oo shirkad ku wareejiyay aan lacagtooda la bixin ka dibna ay dowladdu dhaqaale kale raadiso sidii ay beeralayda u siin lahayd.