DHAGEYSO:Shirka luuqadda Sawaaxiliga oo ka furmay Mombasa

0
698

Waxaa magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ka socdo shir la doonaya in sare loogu qaado adeegsiga iyo tayada luuqadda Sawaaxiliga.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay ururka jaaliyadda bariga Afrika ee luuqadda Sawaaxiliga ayaa lagu wadaa inuu Mombasa ka socdo saddex cishe.
Wasiiradda wasaaradda jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanka iyo hiddaha ee dalka Aisha Jumwa oo marti sharaf ka ah shirka ayaa warbaahinta faahfaahin ka siisay.

Waxay sidoo kale baaq u dirtay dadka aaminsan in aynan si wanaagsan ugu hadli karin luuqaddan.