DHAGEYSO:Shirka arrimaha cimillada ee Afrika oo maanta la soo gabagabeyn doono

0
280

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta la soo gabagabeeyo shirka ay mas’uuliyiinta iyo khuburrada arrimaha deegaanka ee qaaradda Afrika uga arrinsanayaan la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Kulanka oo maalinkii saddexaad ka socdo xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa soo billowday 4-tii bishan Sagaalaad.
Waxaa inta badan diiradda lagu saarayay sida ay dalalka Afrika ugu baahan yihiin maalgelin ay u adeegsan karaan barnaamijyada cimillada.
Hoggaamiyaasha waddamada Afrika ee shirka ka qayb galaya ayaa maanta yeelanaya kal-fadhi gaar ah ka hor inta uunan madaxweyne William Ruto guddoomin madal looga doodaya qodobbada ka soo baxay shirka .
Madaxweynaha dalka , dhigiisa Comoros Azali Assoumani iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Mr. Moussa Faki Mahamat ayaa si wadajir ah qalinka ugu duugi doono qaraarka shirweynaha isbeddelka cimillada ee Afrika.
Dhanka kale Emmanuel Atamba oo ku takhasusay culuunta beeraha ayaa madaxda Afrika ugu baaqay inay dhaqangeliyaan qodobbada ay ku heshiiyaan.
Waxaa uu xusay in kastoo shirar hore la qabtay in haddana Kenya iyo si guud Afrika aynan ugu guulaysan xallinta isbeddelka cimillada ee saameeya wax soo saarka beeraha iyo deegaanka.

Waxaa sidoo kale baaqa Atamba taageeray Peterson Kamau oo ka tirsan hay’adda aan dowliga ahayn ee Lisha Jamii Kenya isagoo soo jeediyay in wax laga qabto wasaqeynta hawada.

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Molo ee ismaamulka Nakuru , Kuria Kimani ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Kenya ay diiradda saareysa isticmaalka baabuurta aan waxyeellada gaarsiin deegaanka ee ku shaqeeya korontada.