Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyadoo afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus ka dib shil ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret .
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in wadaha mid ka mid ah baabuurta xamuulka uu gaariga xakameyn waayay iyadoo uu roob culus halkaasi ka da’ayey wuxuuna ku dhacay gaari kale oo xamuul ah.
Waxay darawaliinta ugu baaqeen inay taxaddar muujiyaan oo ay adeegsadaan astaamaha waaxda taraafikada.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa dowladda ugu baaqay inay hagaajiso waddada uu shilka ka dhacay si looga baaqsado in mustaqbalka ay dad kale ku dhintaan shilal.
Shilka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow aagga loo yaqaano Twin area ee deegaanka Koonfurta Kuresoi ee ismaamulka Nakuru.
Shacabka ayaa sheegay in goobtaasi ay waayihii ugu dambeeyay shilal badan ka dhaceen.
Ka dib markii uu shilka dhacay waxaa goobta gaaray ciidamada waaxda taraafikada iyagoo meesha ka saaray burburkii labada gaari.
Afarta qof ee dhaawacmay ayaa la kala geeyay isbitaallada deegaanka Molo iyo midka heerka Shanaad ee Nakuru halka meydka qofka shilka ku dhintay la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Molo.