DHAGEYSO:Shil Gaari oo Soomaaliland ka dhacay

0
499

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan inuu Shil gaari, oo Khasaare geystay uu Maanta ka dhacay deegaanka lafaruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil Somaliland.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari noocan raaxada ah, oo Marayay deegaanka Lafaruug waxaana ku geeriyooday hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ciidamo ka tirsan ilaalada wadooyinka ee Somaliland iyo dadweynaha ku nool degaanka lafaruug ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilkaas, waxaana la geeyay Isbitaal Gobolka si loogu daaweeyo.
Taliska Ciidamada nabadgelyada Wadooyinka Soomaaliland ayaa goor sii horeysay sheegay in waayadii dambe degaannada Soomaaliland ay kusoo bateen shilalka Gawaarida, isla markaana kuwii ugu badnaa ay dhaceen Sanadkii la soo dhaafay ee 2020.
Dhanka kale Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta wuxuu ka qayb qaatay Ololaha Nadaafadda ee Magaalada Hargeysa wuxuuna Bulshada kula Dardaarmay inay Qashinka iska ilaaliyaan ayna dowlada kala shaqeeyaan Maaraynta Qashinka.
Muuse Biixi ayaa Maayirada Magaalooyinka ugu baaqay inay Dajiyaan Qorsheyaal Xal loogu helayo Qashinka Magaalooyinka yaala.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Wakiilada Soomaaliland iyo Maayirka Magaalada Hargaysa C/kariim Axmed Mooge ayaa sheegay inay Taariikh tahay dadaal is xiqaanka ah ee ay Sameeyeen shacabka Magaalada Hargaysa ayagoo Madaxweyne Biixi ugu Mahadceliyay inuu ololaha ka qayb qaatay maanta.