Guddoomiyaha dalladda qaran ee hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa soo dhaweeyay sidoo kalena madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhammaan madaxdii ku soo dadaashay uga mahadceliyay qorsho qunsuliyad looga furaya magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tani ayuu sheegay inay fududeyn doonto howlaha xajka iyo cumrada.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ku amray inuu guda galo sidii arrintan loo hor keeni lahaa golaha wasiirrada si loo meel mariyo codsiga muslimiinta dalka.
Dhanka kale Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa ku baaqay in la howlgeliyo xafiiskii arrimaha socdaalka ee Garissa ee la xiray si dadka codsanaya baasaboorrada aynan ugu soo safrin magaalada Nairobi.