DHAGEYSO:Sheekh Xasan Cameey oo ka hadlay sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro

0
232

Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa, Sheekh Xassan Cabdullahi Cameey ayaa sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro u aaneeyay culeys dhanka matalaadda ah.
Waxaa uu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo oo la yareeyo tirada mudanayaasha baarlamaanka, senatarrada, wakiillada dumarka iyo xubnaha labada heer ee dowladda .
Sidoo kale waxaa uu dowladda dhexe u soo jeediyay inay miisaaniyad ku kabto booshada oo uu xusay inay kenyaanka aqlabiyadooda isticmaalaan si qiimaheedu uu hoos ugu dhaco.
Sheekh Xasan ayaa ku baaqay in haddii aan la yareyn karin tirada siyaasiyiinta iyo qarashaadka ku baxo howlahooda in taageero dhaqaale loo fidiyo ganacsatada yaryar isagoo dhanka kale bulshada kula taliyay inay isu naxariisato.