Ka dib markii saaka Magaalada Baydhabo uu ka billowday dagaal u dhexeyay Ciidamada Ammaanka iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamad Aadan Ibraahim (Fargeeti), uu ku eedeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagu soo qaaday hooygiisa magaalada Baydhabo.
Wasiir hore Fargeeti oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen muddo xileedkiisii Afarta sano ahaa uu dhammaaday, islamarkaana wixii khasaaro ah ee ka dhasha dagaalka ka socda Magaalada Baydhabo uu mas’uuliyadeeda qaadayo.
Waxaa uu ku eedeyay inuu cagajugleyn iyo xarig uu ku haayay Shacabka, balse markii uu natiijo ka keeni waayay uu ku beddelay gacan ka hadal taasina aan marnaba laga aqbaleyn.
Maxamad Ibraahim Fargeeti ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS inay soo farageliyaan xaaladda Koonfur Galbeed, lana xisaabtamaan cidkasta oo iska lahayd mas’uuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo.
Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) lagula xisaabtami doono tallaabo kasta oo uu qaaday.