DHAGEYSO:Shaqaaqo saameysay xaflad uu Gachagua uga qayb galayay ismaamulka Nyandarua

0
242

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua iyo madax kale oo ka qayb galayay xaflad mahadcelin ah oo lagu qabtay ismaamulka Nyandarua ayaa ku qasbanaaday in ay naftooda u baxsadaan ka dib markii halkaasi lagu tuuray sunta dadka ka ilmeysiisa.
Munaasabadda mahadnaqa ah ayaa loo qabtay wakiilka deegaanka hoose ee Shamata ee ismaamulka Nyandarua Mr. Gitau Njamba.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay xilli senatarka dowlad deegaanka Nyandarua John Methu uu jeedinayay khudbaddiisa.
Qofka lagu eedeeyay inuu adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa oo ay booliiska gacanta ku dhigeen ayaa lagu sheegay inuu yahay askari ku labisnaa dharka caadiga ah ee rayidka.
Waxay tani ku soo aadaysa muddo hal bil ah ka dib markii sidan oo kale ay rabshad uga dhacday xaflad aas ahayd oo uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua uga qayb galayay deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Gachagua ayaa dhacdooyinkan ku eedeeyay dowladda dhexe isagoo xilli uu arrintan ka hadlayay yiri.

Booliiska ayaa billaabay baaritaanno la xiriira shaqaaqadii ka dhacday munaasabaddii lagu qabanayay Nyandarua.