DHAGEYSO:Shaqaalaha dowladda oo loogu baaqay inay isu diyaariyaan wakhtiyo adag oo mushaar la’aan ah

0
332

Shaqaalaha dowladda ayaa loogu baaqay inay isu diyaariyaan dib u dhacyo ku imaan karo bixinta mushaaraadka iyadoo ay ka sii dareyso xaaladda dhaqaale ee dalka.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaran Prof. Njuguna Ndung’u ayaa ka digay xilliyo adag oo ku soo wajahan howlwadeennada.
Waxaa uu wasiirku sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay isku dubarid dhaqaale oo aynan jirin meel kale oo laga helaya lacago badan.
Isaga oo ka jawaabayay in dowladdu ay lacag la’aan tahay ayuu sheegay in xaaladda taagan ay sababtay in dhowr barnaamij oo ay dowladdu dhaqan gelin lahayd ay xayiran yihiin, waxaana ka mid ah bixinta qarashaadka ismaamullada iyo mashaariicda maalgashiga.
Sidoo kale wasiir Ndung’u ayaa carrabka ku dhuftay in inta badan lacagaha la soo uruuriyio lagu bixiyo deymaha dalka lagu leeyahay.
Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in deynta guud ee lagu leeyahay dalka ay tahay 9.2 Triliyoon oo shilin.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladdu aynan lacag la’aan ahayn balse dhaqaalaha la helo lagu bixinaya deymo badan oo horay loo qaatay.
Waxaa uu kenyaanka ku wargeliyay inaynan jirin xaalad walaac laga muujiyo maadaama sida uu hadalka u dhigay la xallin doono caqabadda dhaqaale ee uu dalku wajahaya.