DHAGEYSO:Shacabka oo muujiyay dareenkooda ku aaddan wasiirrada la soo magacaabay

0
301

Ka dib markii shalay uu madaxweynaha dalka William Ruto magacaabay qaybtii labaad ee xubnaha golihiisa wasiirrada ayaa waxaa arrinkan dareenkooda ka dhiibtay qaar ka mid ah dadweynaha.
Kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabidda uu sameeyay madaxweynaha.
Waxaa jiro qaar sheegaya in aynan ku qancin in dib loo magacaabay Kipchumba Murkomen oo horay u ahaa wasiirkii gaadiidka balse lagu wareejiyay wasaaradda arrimaha dhallinyarada , hal-abuurka dhaqaale iyo cayaaraha.
Murkomen ayay dadweynaha ku eedeynayaan inuu muujiyay hodontinnimo taasi oo aan loo baahnayn.
Sidoo kale , in kastoo ay jiraan dad ka soo jeedo gobolka Xeebta oo bogaadiyay magacaabidii Cali Xasan Joho haddana waxaa jiro kuwo taasi ka soo horjeestay.
Madaxweynaha ayay ku dhaliileen in uunan magacaabin shakhsi matalaya bulshada qabto baahiyaha gaarka ah.
Dhallinyarada ayaa dhankooda sheegaya in aan loo baahnayn in xilal loo magacaabo shakhsiyaad muddo dheer ku soo jiray saaxadda hoggaamineed.