Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka kula taliyay in ay ka faa’iidaystaan xarumaha Huduma ee laga bixiyo adeegyada dowladda guud ahaan wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay in la kordhiyo tirada xarumahan.
Gachagua ayaa xilli uu si rasmi ah u furayay xarunta Makutano Huduma ee Bariga ismaamulka Laikipia sheegay in goobahan ay fududeeyaan in dadweynaha ay hal meel ka helaan dhammaan adeegyada dowladda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in xarunta uu maanta daahfuray loogu adeegi doono in ka badan 500,000 qof oo ka mid ah shacabka Laikipia.
Sidoo kale Rigathi Gachagua ayaa ismaamullada ku boorriyay in ay adeegyadooda shacabka ugu geeyaan xarumaha Huduma.
Waxaa 33 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka ku yaalla 53 ah xarumaha laga bixiyo adeegyada aasaasiga ee dowladda ee Huduma Centres oo laga helaya adeegyo kor u dhaafaya 130.
Ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa maalin kasta adeegyo ka hela xarumaha Huduma Centres.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka wadanka ayaa sheegay inuu kulan la qaatay saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Laikipia isagoo kala hadlay cirib tirka falal dambiyeedyada sida dhaca xoolaha iyo isticmaalka maandooriyaha.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiinta ammaanka ee Laikipia ay ku heshiiyeen in labo toddobaad gudahooda ay qaadaan tallaabooyin wax looga qabanaya ka ganacsiga iyo isticmaalka balwadda ee dowlad deegaankaasi.