Waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da ayaa kenyaanka ka codsatay in ay la wadaagaan xogaha ay hayaan ee ku saabsan shakhsiyaad muuqaallo laga duubay intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan iyagoo burbur u gaysanaya kaabayaasha muhiimka ah iyo meheradaha ganacsiga.
DCI ayaa hoosta ka xarriiqday in mudaaharaadyadii waddanka ka dhacay ay ahaayeen kuwo nabad ah.
Hasa ahaate , waxay hoosta ka xarriiqday in ay jireen dambiilayaal ka faa’iidaystay xaaladda oo sameeyay boob hantiyeed.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in ay heshay muuqaallo ay duubeen kaameerooyinka qarsoon ee CCTV-da kuwaasi oo hadda baaritaano dheeraad ah lagu haya.
Axaddii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto oo warbaahinta si wadajir ah wareysi u siinayay uu sheegay in burburka ballaaran ee la diiwaangeliyay ay ka dambeeyeen shakhsiyaad si qaldan u adeegsaday dibadbaxyada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in mudaaharaadyada lagu burburiyay hanti uu qiimaheedu yahay 2.4 bilyan oo shilin .
Kaabayaasha muhiimka ah ee waxyeellada la gaarsiiyay waxaa ka mid ah baarlamaanka, xafiiska madaxa cadaaladda dalka iyo xafiiska barasaabka ismaamulka Nairobi ee City Hall.
Dhanka kale, guddoomiyaha ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti ayaa ciidamada ammaanka ka dalbatay in ay aqoonsadaan oo ay xabsiga u taxaabaan shakhsiyaad burbur u gaystay golaha hoose ee ismaamulkaasi.
Waxay sheegtay in shacabka Machakos aynan ku waxyeello gaarsiin xaruntaasi muhiimka ah sidaasi awgeedna loo baahan yahay in tallaabo sharciyeed laga qaado dad ay ku tilmaantay dambiilayaal iska dhigayay in ay dibadbaxayaal yihiin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka oo laga codsaday inay soo gudbiyaan macluumaadka dad burbur gaystay xilligii...