Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa cabasho ka muujinaya in xilliyada habeenkii shaqeynin iftiinka ama layrarka waddooyinka ee magaaladaasi
Shacabka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay hadda u muuqato mid dib ugu laabaneysa mugdi.
Waxaa ay intaasi ku dareen in maamulka gobolka Banaadir uusan haatan diyaar u ahayn wax ka qabashada mugdiga magaalada.
Shacabka Muqdisho ayaa sheegeen in maamulka gobolka iyo dowladda hoose ay lacago canshuur ah bilkasta ka qaadaan, sidoo kalena aysan jirin wax adeeg ah oo dowladda hoose u fuliso.
Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo isugu jira ganacsato, wadayaasha gaadiidka dadweynaha, dhallinyarada magaalada iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada oo si isku mid ah uga cabanaya in magaalada maalinkii shidan tahay habeenkiina ay mugdi tahay, taas oo ay tuugadu ugu soo dhuumato oo marar badan taleefoono looga dhacay.
Dhowr iyo toban sano ka hor ayay ahayd markii maamulkii uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan oo kaashanaya dowladda Norway uu ilayska cadceedda ku shaqeeya galiyay waddooyinka caasimadda ee Muqdisho, tallaabadaas oo shacabka aad ugu riyaaqeen xilligaasi.