Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Lamu Mr. Wesly Koech ayaa sheegay in caqabadaha hoos u dhigaya horumarka gobolka Xeebta ay ka mid tahay in shacabka oo aan badankoodu haysan sabar-loogooyinka dhulalka.
Waxaa uu dadweynaha kula taliyay in ay ku dadaalaan sidii ay dhulalkooda ku diiwaangelin lahaayeen si loo guddoonsiiyo dokumeentigan muhiimka u ah maalgashiga iyo in qofka uu lahaado hooy rasmi oo joogto ah.