DHAGEYSO:Shacabka Lamu iyo Kakamega oo sheegay inaynan diyaar u ahayn dibadbaxyada Azimio

0
323

Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ayaa walaac ka muujiyay culeysyada nololeed ee ay wajahayaan.
Waxay dowladda ugu baaqeen inay yareyso canshuurta oo ayna hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda .
Dadweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan ka qayb qaadanayn dibadbaxyada waxayna madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha Azimio , Raila Odinga ugu baaqeen inay wada hadlaan oo ay ka heshiiyaan tabashooyinka jira.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA, Cleophas Malala iyo qaar ka mid ah shacabka dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa sheegay in halkaasi aan dibadbaxyo lagu qabanayn oo ay door bidayaan nabad galyada.

Marka laga soo tago dhacdooyin ay ciidamada ammaanka ku kala eryeen dibadbaxayaal isugu soo baxay meelo ay ka mid yihiin xaafadaha Kibera iyo Mathare ee ismaamulka Nairobi ilaa iyo hadda lama soo tabin dhacdo wayn oo waxyeello ah.
Sidoo kale saraakiisha ayaa dibabaxayaasha ka hor istaagay inay gudaha u galaan fagaaraha Kamukunji oo ka mid ah meelaha ay mucaaradka doonayeen inay maanta shacabka kula hadlaan.