DHAGEYSO:Shacabka ku nool xaafad ka tirsan magaalada Dadaab oo biyo la’aan ka cabanaya

0
273

Dadweynaha xaafadda Buula-dhaydhay ee magaalada Dadaab ayaa cabasho ka muujiyay biyo la’aan haysata in muddo ah waxayna baaq u direen mas’uliyiinta deegaanka iyo dowladda ismaamulka Garissa.
Sidoo kale guud ahaan magaalada Dadaab waxaa ka jirta cabasho la xiriirta adeegga korontada.

Cabashada dadweynaha ayaan wax ka waydiinay wakiilka ismaamulka Garissa u qaabilsan Dadaab Aamiin Xaaji Cabdullahi wuxuuna sheegay inay ka war qabaan baahiyaha dhanka biyaha iyo korontada oo ay xallin doonaan.