Shacabka kenyaanka ah ee ku nool deegaannada Kamukunji , Starehe iyo Langata ee ismaamulka Nairobi ayaa fursad u haysta in ay berri iska diiwaangeliyaan xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada si looga saaro faraha qaxootinnimo.
Waxaa arrinkan ka hadlay xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee ay xaafadda Islii hoos tagto Yuusuf Xasan Cabdi oo soomaalida ugu baaqay inay arrinkan u soo baxaan kana faa’iidaystaan fursadda la siiyay.
Maxamad Ismaaciil oo ku magacdheer Shiine oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa isna sheegay in arrintan aynan dadka qaar fahmin taasi oo jahwareer abuurtay.
Shakhsiyaadka la diiwaangelinaya si looga saaro faraha qaxootiga ayaa ah dadka u dhashay Kenya ee sababo jiray awgood iska diiwaangeliyay hannaanka UNHCR iyagoo tallaabadaasi caqabado kala kulmay.




