DHAGEYSO:Shacabka ismaamulka Kakamega oo ka cabanaya bandowga habeenkii

0
610

Iyada oo uu xalay si rasmi ah ugu dhaqan galay saacadaha bandowga ee dib u eegsita lagu sameeyay 13 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Nyanza iyo galbeedaka dalka ayaa qaar ka mid ah shacabka ismaamuladaas ay madaxweynaha dalka ugu baaqeen in bandowga uu ka khafiifiyo .
Dowladda dhexe oo dib u eegis ku sameeysay saacadaha bandowga habeenkii si gaar ah ismaamulladan ayaa sheegtay inuu ka billaaban doono 7-da fiidnimo oo uu shaqeynaya ilaa 4-ta aroornimo.
Ismaamullada ay ku kordheen xaaladaha caabuqa corona taasoo sababtay in xayiraado lagu soo rogo ayaa kala ah Busia, Vihiga, Kisii, Nyamira, Kakamega, Kericho, Bomet, Bungoma, Trans- Nzoia, Kisumu, Siaya, Homa Bay iyo Migori.
Shacabka ku nool ismaamulka Kakamega ayaa sheegay in dowlad deegaankooda uusan ka jirin kiisas badan oo COVID 19 ah iyagoona sheegay inay soo foodsaartay culeys dhanka nolosha iyo ganacsiga ah

Dowlad deegaannada kale ee wadanka wax isbeddel ah laguma sameyn bandowga xilliga habeenkii.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ismaamulladaan ku sheegtay meelaha ugu daran ee uu hadda si xowli ah ugu faafaya COVID 19.
Bayaanka wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe waxaa ku cad in 14-kii cisho ee ugu dambeeyay caabuqa corona uu 13-ka ismaamul ku kordhay boqolkiiba 21.
Marka laga reebo xaaladaha degdegga ah, waxay dowladdu ka digtay isku socodka bulshada ee ismaamulladan dhexdooda iyo in looga safro qaybaha kale ee wadanka.
Sidoo kale maadaamaha cudurka uu ku kordhay wadanka Kenya dariska la ah ee Uganda , wadayaasha baabuurta xamuulka ayaa laga doonayaa in ay soo bandhigaan shahaado muujinaysa in laga baaray cudurka lagana waayay muddo 48 saacadood ka hor inta aynan soo safrin.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baabuur kasta oo xamuul qaado oo u kala goosho xuduudaha aynan raacin karin wax ka badan labo qof.
Waaa muddo 30 cisho ah la hakiyay howlaha suuqyada lagu iibiyo xoolaha iyo waxyaabaha aan cuntada ahayn.
Sidoo kale waxaa mamnuuc ah isku imaatin dadweyne nooc kasta oo uu ahaado xita xafladaha lagu dhigto guriyaha iyo tartamada cayaaraha ee 13-ka ismaamul.
Ilaa amar dambe lama qaban karo socdaallada habeenkii iyo munaasabadaha ka horreeya aaska.
Tirada dadka ka qayb gelaya aaska waxaa lagu soo koobay ugu badnaan 50 qof halka aroosyadana loo ogolaaday inay tagaan ilaa iyo 30 ruux.
Muddo 72 sacadood ah ayay dowladdu sheegtay in la doonayo in la aaso qofka laga billaabo marka la xaqiijiyo inuu geeriyooday.
Sidoo kale muddo 30 cisho ah waa mamnuuc in la isugu tago goobaha cibaadada ee ismaamulladan.
Shirkadaha loo shaqeeyo waxaa lagula taliyay in ay howlwadeenada u oggoladaan in ay guryaha ka soo shaqeyaan marka laga reebo kuwa haya shaqooyinka aad muhiimka u ah.
Bukaannada ku jiro isbitaallada waxaa hal mar booqan karo hal qof keliya ilaa amar dambe.
Amarradan ayaa lagu dhawaaqay ka dib wada tashi dhex maray golaha barasaabyada wadanka ee CoG iyo guddiga qaabilsan falcelinta degdegga ee ku aaddan COVID19.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taxaddarka ka dhanka ah cudurka COVID19 maadaama weli halistiisu ay jirto.