Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa, Boaz Cherutich ayaa dadweynaha ugu baaqay inay isticmaalaan afxirka ama maaskarada.
Waxaa uu u sheegay in cudurka COVID-19 uunan weli ka dhamaan dalka sidaas awgeedna looga baahan yahay inay sii wadaan u hoggaansanka tallaabooyinka ay dowladdu ku xakameynayso faafitaankiisa.
Boaz ayaa xusay inaysan sax ahayn in gebi ahaanba meesha laga saaray xayiraadihii jiray balse la fududeeyay keliya.
Waxaa uu sheegay in toddobaadka soo socdo uu kulan yeelan doono guddiga la tacaalidda corona ee Garissa si xaaladda taagan looga arrinsado.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay kordheen xaaladaha caabuqa corona ee gudaha dalka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa qorsheynaysa inay sare u qaaddo bixinta dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka.




