Waxaa qaybaha kala duwan ee dalka laga dareemaya saameynta ka dhalatay daadadka yimid ka dib roobab culus oo da’ay welina socdo.
Meelaha ay cabashada ka soo yeeraysa waxaa ka mid ah deegaanka hoose ee Daanyeerre ee deegaan baarlamaneedka Balambala ee ismaamulka Garissa.
Aadan Ibraahim oo ka mid ah shacabka ku nool Daanyeerre ayaa warbaahinta Star u sheegay inay wajahayaan xaalado adag oo ay sababeen fatahaadaha sida waddooyinka oo xiran, shidaalka oo gabaabsi ah , qiimaha cuntooyinka iyo xoolaha oo sare u kacay iyo adeegga isgaarsiinta oo hooseeya wuxuuna baaq u diray madaxda la soo doortay , dowladda sare iyo midda ismaamulka Garissa.