DHAGEYSO:Shacab ka careysan xarigga Janeraal Sheegow oo dibadbax ka dhigay Muqidisho

0
332

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta bannaanbax looga soo horjeedo xarigga Janeraal Cali Axmad Sheegow ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan waddooyinka Makka Al-Mukarama iyo Buulo Xuubey.
Waxaa ay waddooyinka qaar ee laamiga ku gubeen taayarro waaweyn, sidoo kalena mararka qaarkood ay tuurayeen dhagxaan, islamarkaana hakadĀ  geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Qaar ka mid ah dadka mudaaharaaday oo warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dibadbaxyada haddii aan si degdeg ah loo soo deyn Janeraal Sheegow iyo askarta kale ee la xiran, kuwaas oo shalay ay qabteen ciidanka booliiska gobolka Banaadir ee booliis Milataaro.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay degmada Dharkeenley ka soo xireen Janeraal Sheegow iyo in ka badan 20 askari oo isaga ka amar qaata, ka dib dagaal uu la galay ciidanka xasilinta caasimadda ee booliis Milataaro.