Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Saaka Ka billaabatay dooranaya Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kasoo galaya deegaanada Maamulka Jubbaland, waxaana ku tartamay musharxuiinta u taagan Xilalka Aqalka sare.
ka hor inta aysan bilaaban doorashada ayaa Ammaanka guud si weyn loo adkeeyay, iyadoo gudaha Magaalada Kismaanyo iyo goobta lagu qabanayo doorashada lagu arkayay Ciidamo kala duwan oo sugaya Amniga guud ee Magaaladaasi.
Kursigii ugu horeeyay ee yaalla Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose wuxuuna noqday Senatarkii u horreeyay ee loo doortay Kuraasta Aqalka sare Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.
Ilyaas Gaboose ayaa helay 55 cod, halka Musharaxa la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, kaddib doorashadii Maanta ka dhacday Kismaayo oo Xildhibaannada Maamul Goboleedka Jubbaland ay doorteen, Waxaana sidoo kale maanta la Dooranayaan ilaa 4 Kursi oo ka mid ah 8 Xubnood ee Aqalka Sare ee Soomaaliya ka soo Galaysa Deegaanda Jubaland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo gudoomiyaha Gudiga doorashada Jubaland oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kursigii ugu horreeyay ee Xildhibaannada aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Jubbaland uu ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, isla markaana ay doorashadaan codeeynayeen 73 Mudane oo ka tirsan Wakiilada Jubbaland.
Xildhibaanka Aqalka Sare ee Maanta lagu doortay magalada Kismaayo Ilyaas Badal Gaboose ayaa xilligii dowladii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa uu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose.
Isla Maanta ayaa lagu wadaa inay magaalada Kismaanyo ka dhacaan Doorashada 3 musharax oo kale ayadoo salaada Duhur Kadib Halkaas ay doorashadu ka sii socon doonto.
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee doorashadu ka billaabatay, waxaana ilaa iyo hadda la sugaya Maamulada kale, si ay u billaabaan doorashada Xubnaha Aqalka sare, oo hor dhac u ah doorashada guud ee dalka Soomaaliya ka bilaabanaysa waxaan la rajaynayaa in Maamul Goboleedka koonfur Galbeed noqdo Maamulka Labaad ee Doorashada Aqalka Sare Bilaaba Maadaama ay kal hore Magacaabeen Gudiga Doorashada aqalka Sare oo Wakiilada Maamul goboleedka ka dhex Imaanaya.