DHAGEYSO:Senetarrada Azimio oo ka soo horjeestay soo jeedinta ah in lacagaha dugsiyada sare lagu bixiyo E-citizen

0
223

Qaar ka mid ah senetarrada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa wacad ku maray inay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad ay uga soo horjeedaan soo jeedinta ah in waalidiinta ardayda dhigata dugsiyada sare ee dalka ay lacagaha fiiska ku bixiyaan hannaanka dhijitaalka ee E-citizen
Siyaasiyiintan oo kala ah senetarka ismaamulka Nyamira Okong’o Omogeni dhigiisa Migori Eddy Oketch iyo senetarka dowlad deegaanka Homa Bay Moses Kajwang’ ayaa sheegay in nidaamkan uu yahay mid uu maamulka Kenya Kwanza ku doonaya inuu ku lunsada lacagaha dadweynaha.
Waxaa ay dowladda ku dhaliileen inay shacabka ku qasbeyso wax aysan dani ugu jirin.