DHAGEYSO:Senetarka ismaamulka Uasin Gishu oo la xiray

0
413

Waxaa xabsiga loo taxaabay senetarka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago, saacado un ka dib markii la soo saaray amar lagu soo xirayo mas’uulkan.
Waxaa siyaasigan oo horay soo noqday barasaabka dowlad deegaanka Uasin Gishu uu ku guuldareystay inuu ka soo hormuuqdo maxkamadda si uu u qirto dacwad uu wajahaya.
Senetarka ayaa laga soo qabtay hooygiisa, isagoo loo kaxeeyay xafiiska waaxda dambi baarista ee DCI-da ee laantiisa ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu senatarka ka mid yahay saddex qof oo la xiriiranaya fadeexaad lagu lunsaday malaayin lacag ah oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho dibadeed loogu diro waddamada Finland iyo Canada.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Joseph Kipkemoi Maritim, Meshak Rono iyo Joshua Kipkemoi Lelei.
Maxkamadda magaalada Nakuru ayaa toddobaadkii hore soo saartay warqada lagu soo xirayo senetarka dowlad deegaanka Uasin Gishu Jackson Mandago.
Waalidiinta ardayda doonayay inay deeq waxbarasho uu aadaan waddamada Finland iyo Canada ayaa dacwaddan u gudbiyay maxkamadda.
Fadeexadaan ayaa ragaadisay boqollaal arday ah, iyadoo haatan waalidiin badan ay la ildaran yihiin khasaaraha dhaqaale ee arrintan ka soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa la lunsaday, intii u dhexeysay sanadihii 2018-kii ilaa 2022-kii, muddadaasi uu Jackson Mandago ahaa barasaabka ismaamulka Uasian Gishu.
Waxaa sidoo kale fadeexadaan maanta ka hadlay madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka warqabo fadeexadan, islamarkaana cid kasto oo arrintan ku lug leh ay dib u soo celiso lacagaha waalidiinta ka maqan.                              Waxaa uu intaasi ku daray in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo, uu deeqo waxbarasho oo gudaha ah u fidin doono dadka ay saameysay dhibaatadan.