DHAGEYSO:Senetarka Isiolo oo ku baaqday in xoola dhaqatada ka soo jeeda ismaamullada kale ay halkaasi isaga baxaan

0
216

Senetarka ismaamulka Isiolo Faaduma Aadan Dullo ayaa dowladda ka codsatay inay deegaannadooda dib ugu celiso dadka xoola dhaqatada ah ee sida sharci darrada ku jooga dowlad deegaankaasi.
Waxaa ay sheegtay in xoola dhaqatada ka soo jeeda dowlad deegaannada kale ee wadanka ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka kuwaas oo ay ka mid yihiin dilalka soo laalabtay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayay ka codsatay in ismaamulka Isiolo la geeyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.