Qaar ka mid ah senatarrada dalka ayaa ka soo horjeestay qorshaha uu guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC uu mushaaraadka ugu kordhiyay saraakiisha sare ee dowladda , senatarrada iyo xildhibaannada.
Waxaa tallaabadan gaashaanka u daruuray hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Kipkirui Cheruiyot, senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifina , dhigiisa Nandi Samson Cherargei iyo senatarka Kilifi Stewart Madzayo.
Waxay dhammaantood sheegeen in aynan diyaar u ahayn mushaar loo kordhiyo xilli waddanka uu wajahaya xaalado adag oo dhaqaale.
Senatarka Kilifi Stewart Madzayo ayaa dhankiisa ku baaqay in halkii mushaaraadka loo kordhin lahaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha sare ee dowladda in lacagahan lagu caawiyo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dibadbaxyada iyo qaybaha nugul ee bulshada.