DHAGEYSO:Senatarrada oo maanta yeeshay kulan ku saabsan dibadbaxyadii dhacay

0
461

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa maanta yeeshay kal-fadhi ay uga hadlayeen dibadbaxyadii waddanka ka dhacay iyo saameynta ka dhalatay.
Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in ay kenyaanka dhageysteen .
Waxaa uu raalligelin ka bixiyay xadgudub kasta oo dhacay oo aan lagu tixgelin baahiyaha shacabka.
Senatarka ismaamulka Kitui Enoch Wambua ayaa sheegay in dhammaan xildhibaanadii codkooda ku taageeray ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 laga doonaya in ay dadweynaha raalli geliyaan.
Waxaa uu sheegay in kal-fadhiga aqalka sare ee dalka ee maanta uu muujinaya hoggaamin wanaagsan maadaama uu dalka ku jiro xilli xasaasi ah.
Wambua ayaa tilmaamay in senatarrada laga doonaya in ay sifeeyaan sida uu hadalka u dhigay qaladkii ka dhacay xildhibaannada baarlamaanka ee ay ku meel mariyeen qorshaha maaliyadda ee dowladda kaasi oo horseeday jawiga hadda waddanka ka jira.
Senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dibadbaxyada ay ka dhasheen dhimashooyin, dhaawacyo iyo burburinta hantida dadweynaha.

Waxaa uu dhanka kale dalbaday in maxkamadda la soo taago ciidamada booliiska ee awoodda xad-dhaafka ah adeegsaday xilligii ay ka falcelinayeen dibadbaxyadii dhacay iyo in la soo siidaayo dhammaan dadka la xiray.