DHAGEYSO:Senatarka Tana River oo dhaliil u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka

0
564

Senatarka ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ,Danson Mungatana ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ku dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay.
Gachagua ayaa maalmo ka hor sheegay in loo baahan yahay in deegaan baarlamaneedyada wadanka ay miisaaniyadda horumarinta deegaannada ee NG-CDF ay ku qaybsadaan tirada codbixiyeyaasha.
Waxaa uu sheegay in aynan suurtagal ahayn in deegaan ay ku nool yihiin ilaa 800,000 oo qof iyo mid kale oo ay dadkiisa yihiin 14,000 la siiyo isku miisaaniyad.
Madaxweyne ku xigeenka dalka oo xusay in uunan cidna ka raalligelinayn mowqifkiisa arrinkan ku aaddan ayaa sheegay inuu u ololeyn doono sidii nidaamkan looga dhabeyn lahaa.
Hasa ahaate , senatarka Tana River ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid wadanka dib u dhac ku keenaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka dowladeed ee Kenya Kwanza ee ay ka wada tirsan yihiin ay soo wada dhiseen sidaasi awgeedna ay uga siman yihiin saamiga siyaasadeed.
Senatarka Tana River ayaa sheegay in golaha wasiirrada uunan arrinkan go’aan laga mideysan yahay ka soo saarin sidaasi darteedna mowqifka hoggaamiyaha labaad ee dalka uu yahay mid shakhsiyeed oo aan dowladda matalin.