DHAGEYSO:Senatarka Nandi oo sheegay in Raila uunan ku biiri doonin maamulka dowladda

0
217

Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu farriin cad u diray mucaaradka oo aynan furnayn waddo la xiriirta isgacan gelin siyaasadeed.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu Cherargei ku sheegay in maamul qaybsi uunan dhex mari doonin madaxweyne Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradk ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in farriinta madaxweynaha dalka ay tahay mid fudud oo ay micnaheedu tahay inay jiraan siyaabo badan oo mucaaradka ay ku soo bandhigi karaan tabashooyinkooda oo ay ka mid tahay baarlamaanka.

Dhanka kale ganacsatada ismaamulka Nakuru ayaa soo dhaweeyay xaaladda dalka eeĀ  deggan waxayna madaxweynaha wadanka Willaim Ruto uga mahadceliyeen sida uu u wajahay arrimaha ay ka cabanayaan mucaaradka.
Ganacsatadan ayaa doonaya in hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.