Guddoomiyaha guddiga arrimaha beeraha ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kirinyaga ,James Kamau Murango ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu tallaabo sharciyeed ka qaadi doono dadka ganacsatada ah ee ka dallaala wax soo saarka beeraha iyagoo khiyaanaya beeraleyda.
Senatarka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Mwea ee dowlad deegaanka Kirinyaga sheegay inay qasab tahay in beeralayda wadanka ay helaan faa’iido u dhigan dadaalka ay geliyeen wax soo saarkooda.
Waxaa uu ballanqaaday inuu dowladda garab ku siin doono sidii loola tacaali lahaa ganacsatada aan u daneyn beeralayda ee si gaar ah uga macaasha wax soo saarka beeraha.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Senatarka Kirinyaga oo taageeray hadal uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka




