Weerar lagu qaaday tuulada Kieni ee ismaamulka Laikipia ayaa waxaa lagu dilay hal qof oo waayeel ah iyadoo lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan waaxda booliska keyda.
Askariga ayaa dhaawacmay xilli uu ka falcelinayay weerar ay soo qaadday koox burcad ah.
Qaar ka mid ah shacabka tuuladaasi oo uu ka mid yahay aabaha askariga la dhaawacay dhalay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.