DHAGEYSO:Saraakiishi ka howl-gabay militariga dalka oo Wajeer kulan ku yeeshay

0
367

Waxaa magaalada Wajeer kulan ku yeeshay 56 qof oo ka mid ah xubno horay uga tirsanaa ciidamada difaaca wadanka kuwaasoo howlgab noqday.
Qaar ka mid ah shakhsiyaadkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay halkaasi isugu tageen si ay isku diiwaangeliyaan oo ayna uga faa’iidaystaan qorsho ay dowladda ku caawin doonto qoysaska ciidamadii hore ee militariga dalka.

Hindise sharciyeedka The Military Veterans Bill 2022 oo uu baarlamaanka ansixiyay sanadkii hore ayaa waxaa ku xusan in ciidamadan iyadoo lagu sharfaya sidii ay naftooda ugu hureen oo ay ugu soo halgameen qaranka in dowladda ay siin doonto magdhow ku aaddan waxyeellada ka soo gaartay waajibaadkii ay gudanayeen, in loo dhisaya guriyo ay ku noolaadaan maadaama ay howlgab noqdeen, in carruurtooda laga taageeraya dhanka waxbarashada, inay helayaan talasiin la xiriirta caafimaadka maskaxda, in la wanaajinaya noloshooda iyo daryeelka inta ku tiirsan iyo arrimo kale.