Waxaa digniin adag loo diray saraakiisha ku lugta leh xatooyada dawooyinka ee ismaamulka Samburu.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaankaasi Dr. Naasir Lekudere ayaa sheegay in shakhsiyadka arrinkan ku howlan la xiri doono.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu maanta maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee (KEMSA) uu ka guddoomay xirmooyin daawo ah oo qiimo ahaan dhan 80 milyan oo shilin.