DHAGEYSO:Saameyn ka dhalatay shaqo joojin ay sameeyeen dhakhaatiirta bixiya daawooyinka

0
249

Waxaa shalay oo isniin ahayd shaqo joojin billaabay ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada dalka ee KUCO .
Qaybo ka mid ah isbitaallada dalka ayaa laga dareemay culeesyo aad u badan iyadoo dhakhaatiirta ku mideysan ururka KMPDU ay maalintii 20-aad ku guda jiraan shaqo joojintooda.
Howlwadeennada caafimaadka ayaa dalbanaya in dowladdu ay dhaqangeliso heshiis ay la saxiixdeen sanadkii 2017-kii si gaar ah in dallacsiin loo sameeyo sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee dhameystay tijaabada shaqo.
Qaar ka mid ah dadkii adeegyada u raadsaday isbitaallada Kisumu iyo kuwo kale ayaa sheegay in aysan helin adeegyadii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Dhanka kale xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin in shaqada laga eryaya haddii aynan ku laaban isbitaalladii ay ka howlgalayeen.
Waxaa uu xusay in xalku uu ku jiro in wasaaradda caafimaadka iyo mas’uuliyiinta ismaamullada ay la fadhiistaan dhakhaatiirta ka dibna si buuxda loo dhaqangeliyo heshiiskii sanado ka hor la wada gaaray.