DHAGEYSO:Rw Xamse “Waxaan u baahanahay inaan daweyno caqliga soomaaliga iyo sida aan u fikireyno”

0
424

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in la daweeyo caqliga soomaaliga iyo sida ay u fikirayaan.
Waxaa uu xusay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale.
Hadalkan ayuu maanta jeediyay, xillii uu furay shir ku saabsan kobcinta karaanka aadanaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.